Maraykanka oo faahfaahiyey sababihii ay u xireen Garoonkii ay u adeegsadeen dilkii Amiirkii Alshabaab.

Dowladda Maraykanka ayaa dhawaan joojisay Saldhig ku yaalla Koonfurta Ethiopia,  oo ay ka kici jireen Diyaaradaha Droneska ee duqeymaha ka geysta gudaha dalka Somalia, gaar ahaan Deegaanadda ay Alshabaab ku xooggan yihiin.

Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka “The Pentagon” ayaa qaatay go’aanka lagu xiray Hawlgalkii Droneska ee Saldhigga ku yaalla Degmadda Arba Minch oo 450 KM dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Afhayeenka Safaaradda Maraykanka ku leedahay Ethiopia, David Kennedy ayaa u sheegay Suxufiyiinta inuu dhamaaday Hadafkii laga lahaa Hawlgalka laga fulin jirey Saldhiggaas.

“Waxaana Dowladda Ethiopia isla garanay inaan xilligan loo baahnayn inay Ciiddanka Maraykanka sii joogaan Arba Minch” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhinaca kale, Hawlgalka Droneska ee ay Sirdoonka Maraykanka (CIA)-da ka fuliyeen Saldhigaasi ayaa waxaa lagu dilay Amiirkii Alshabaab, Axmed Cabdi Godane bilowgii bishii September ee sannadkii 2014-kii.

Si kastaba ha ahaatee, Hawlgalka Droneska Maraykanka ayaa waxaa haatan laga fuliyaa Saldhigga weyn ee ay Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin dalka Jabuuti oo lagu magacaabo Saldhigga Camp Lemonnier oo kaabiga ku haya Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee magaalladda Jabuuti.

Maraykanka iyo Jabuuti waxay kala saxiixdeen Heshiis Milliteri sannadkii 2014-kii, kaasi oo u oggolaanayo Milliteriga Maraykanka inay ka hawlgeli karaan ilaa sannadka 2034.

Sidoo kale, Milliteriga Maraykanka waxay Garoon ay ka soo duulaan Droneska ka dhistay Jesiiradda Seychelles oo ku taalla Badweynta Hindiya.

drones2 drones3arba minch

©Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor