Maraykanka oo duqeeyey Fariisimo ay Kooxda Daacish ku leeyihiin dalka  Libiya.

Afhayeenka Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka, Peter Kook  ayaa sheegay in weerarkaasi la qaado, kadib, markii ay Dowladda Libya ee ay QM taageerto codsadeen in laga taageero sidii loo riixi lahaa Maleeshiyadda Daacish ee ku xooggan magaalladda Sirte.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in duqeyntaasi lagu burburiyey Taangi iyo 2 Tekniko oo ay Kooxda Daacish lahaayeen.

Ra’isul-wasaaraha Libya, Faayiz Seraj ayaa sheegay in ay Daacish khasaaro xooggan loogu guuleystay duqeynta  lagu qaaday magaalladda Sirte.

Duqeyntaasi ayaa ah tii 3aad ee lagu qaado Daacishta ku sugan Libya, iyadoo weerarkii ugu horreeyey bishii Feberaayo ee sannadkan lagu qaaday Xero Tababar oo ku taalla magaalladda Sabratha ee Galbeedka Libya.

duqeyn

©Radio Dalsan

.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media