Maraykanka oo diirada saarayo Bixitaanka AMISOM ee Somalia.

General Jon Jensen oo ka tirsan Taliska Milliteriga Maraykanka ee AFRIICOM oo la hadlay Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa sheegay in Tababarkaasi oo socday bishan March 20-dii ilaa 24-dii diiradda lagu saaray Xilliga Kala-guurka ee ugu dambeeya ee Hawlgalka AMISOM, si Ciiddanka DFS loogu wareejiyo Hoggaaminta Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

General Jon Jensen kama jawaabin su’aal laga weydiiyey Musuaqa ka dhex jira Dowladda Somalia iyo Ciiddankeeda, waxa kale oo uusan xaqiijin caqabadaha ugu waa weyn ee hor taagan qorshaha muddada dheer la sugayey ee ay Ciiddanka AMISOM hawsha ku wareejinayaan Ciiddanka Somalia.

Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka u jooga Afrika ee AFROCOM, General Thomas Waldhauser ayaa dhawaan u sheegay Guddiga Adeegga Milliteriga ee Aqalka Senedka Maraykanka in Hawlgalka AMISOM noqday mid ku turunturooday Dagaalka Alshabaab oo socday muddo 10-sanno ah.

Dowladda Maraykanka waxay kaloo Tobanaan Million oo Dollars ku maal geliyeen Qalabaynta iyo Tababarka Milliteriga iyo Boliska Somalia.

Ku-xigeendda Safiirka Maraykanka u joogta QM, Michele  J. Sison oo Khamiistii ka hadashay Shirkii Golah Ammaanka ee QM ka yeesheen Arrimaha Somalia ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la garwaaqsado dadaalka Maraykanka ku bixiyey Ciiddanka Somalia in si toos ah loogu beddelo horumar waara.

QM ayaa horey u shaacisay inuu Musuq Baahsan ka jiro Somalia, iyadoo ay Siyaasiyiin iyo Saraakiil Milliteri dhibaato ku yihiin Awooddaha Ciiddanka Deegaanka.

Hub fara badan oo loo soo dejiyey DF ayaa la sheegay in lagu iibiyo Suuqa Madow ee Hubka, loona badainayo inay hubkaasi ku dambeeyaan gacanta Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida ay QM sheegtay.

Eedeymahaasi iyo Go;aanka ay AMISOM kaga bixi doonaan Somalia ayaa ku soo beegantay  iyadoo Caasimadda dalka Ethiopia lagu soo gebagebeeyey Tababar Milliteri oo ay Maraykanka maalgeliyeen.

Tababarkasi oo  Toddobaadkii hore lagu qabtay Addis Abeba, kaasi oo loogu gogol xaarayo sidii ay Ciiddanka AMISOM door Hoggaamineed u siin lahaayeen Ciiddanka Deegaanka.

Carbiskaasi oo ay ka qeyb galeen 100 Askari oo isugu jirtay kuwa African iyo kuwo Europen ayaa waxa uu dhacay iyadoo walaac xooggan laga muujiyey Awoodda ay Ciiddanka Somalia u leeyihiin inay qaadaan bilowga mas’uuliyadda Ammaanka dalkaasi.

Carbiskaasi waxaa ka qeyb galay Ciiddamo ka kala socday dalalka Djibouti, Kenya, Rwanda, Somalia, Uganda, France, Germany, Italy, Holland iyo Britain.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media