Maraykanka oo dib u-eegis ku samayanyo sidii xayiraadda laga qaadi lahaa Xawaaladaha Soomaalida

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry  iyo Duqa magaalladda Seattle, Ed Murray ayaa kulan ka yeeshay xiisadda Xawaalaadaha Soomaalida, iyadoo aysan Soomaalida Maraykanka muddo saddex bilood ah lacago u xawili kari waayeen Eheladooda ku nool gudaha dalka Somalia.

John Kerry waxa uu u sheegay Duqa magaallaadda Seattle inuu mar kale dib-u-eegi doono xaalladaasi, wuxuuna ballanqaaday inuu la soo xiriiri doono Xafiiska Maayarka.

Duqa magaalladda Seattle, Ed Murray waxa uu carrabka ku dhuftay inuu John Kerry u muuqday inuu si saaxiibtinimo leh u soo dhaweeyey codsigiisa, isla markaana danaynayo deganaanshaha Nidaamka Maaliyadeed ee Somalia, si loo hubiyo in lacagaha la xawilayo si toos ah u gaaraan dadka u bahaan.

Xilliga uu John Kerry booqashadda ku yimid Xafiiska Duqa magaalladda Seattle ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Xafiiska Duqa magaalladda Seattle iyo Golaha Maamulka ee magaalladdaasi ansixiyeen Qaraar ay bishan May 8-dii ka soo saareen Arrimaha khuseeya Xawaaladaha Soomaalida ee weli xiran.

Duqa magaalladda Seattle, Ed Murray waxa kaloo uu si dhow ula shaqeynayaa dhigiisa magaalladda Minneapolis, Betsy Hodges, si ay xal mideysan uga gaaraan dhibaatadda ka dhalatay xayiradda weli saaran Xawaaladaha Soomaalida ee ku yaalla dalka Maraykanka.

Duqa magaalladda Seattle waxa kaloo uu tilmaamay inay xubnaha Soomaalida ee ka tirsan shaqaalaha ka hawlgala Xafiiskiisa ay u sabab yihiin inuu dareenkiisa soo jiito  arrinta Xawaaladaha Soomaalida.

“Tani ma aha arrin ay iyaga ka aamusi karaan” ayuu yiri Ed Murray.

 Wuxuuna intaasi ku daray inuu garan la’ yahay sababaha diidayo inay Soomaalida Maraykanka lacago u xawilaan dalkooda hooyo, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Muwaadiniinta kale ee Maraykanka ay si caadi ah Lacagaaha ugu xaawilaan dalalkooda.

Xigasho:www.thestranger.com

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor