Maraykanka oo Ciiddamo Khaas oo ka socda Uganda u tababaray La-dagaalanka Alshabaab

Ciiddamo Khaas ah oo ay Mariniska Maraykanka tababareen muddo hal sanno ayaa waxaa Galabnimaddii shalay waxaa Tababar loogu soo gebagebeyey Dugsiga Tababarka Ciiddamadda ee The Sera Kasenyi Special Forces school oo ku yaalla meel ku dhow magaalladda Entebe ee duleedka Kampala.

Hadal lagu daabacy Shabakadda Wararka ee Ciiddanka Uganda (UPDF) iyo Taliska Ciiddanka Khaaska ee Uganda (SFC) ayaa lagu sheegay in Ciiddan Xul ah loo carbiyey Shiish-yaqaanimo iyo Gurmad-u-samaynta Askarta dhaawacanta iyo La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Ciiddankaasi oo aan tiradooda la shaacinin ayaa la filayaa in loo soo daad-gureeyo Somalia, si ay ugu biiraan Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.

Taliyaha Taliska Ciiddanka Khaaska ee Uganda (SFC), Sarreeye Guuto Muhoozi Kainerugaba ayaa sheegay in Ciiddanka cusub dhawaan loo daad-gureyn doono Somalia, si ay u hoggaamiyaan Hawlgalka AMISOM ee ay kula dagaalamayaan Xarakadda Alshabaab.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka cusub qaadi doonaan Hawlgalladda Khaaska ee lagula dagaalamayo Alshabaab, iyo inay taageeraan Hawlgalladda caadiga ee Ciuiddanka AMISOM, waa sida uu hadalka u yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Khaaska ee Uganda oo ay Mariniska Maraykanka tababareen, ayaan la ogeyn Xeelladda ay ku soo kordhin karaan Hawlgalka AMISOM oo iyagu tan iyo sannadkii 2007-dii loodin kari la’ Dagaalamayaasha Alshabaab.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor