Maraykanka oo cambaareeyey Weerarkii Alshabaab ku qaadeen Ciiddanka Kenya ee ku sugan Goblka Gedo.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, John Kirby ayaa sheegay inay Dowladda Maraykanka si kulul u cambaaraynayso weerarkii Alshabaab ee Jimcihii hore lagu qaaday Ciiddanka Kenya, kaasi oo lagu dilay Askar Kenyan ah.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay sii wadi doonaan taageeradda Hawlgalka Ciiddanka Kenya ka wadaan gudaha dalka Somalia, wuxuuna u tacsideeyey qoysyska ay Askarta Kenya kaga geeriyootay Saldhigga Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Afhayeenka ma sheegin inta ay lee’eg tahay tirada Ciiddanka Kenya ee lagu dilay weerarkii Alshabaab.

Dhinaca kale, Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, John Kirby  waxa uu tilmaamay inay Dowladda Maraykanka si buuxda u taageerayso Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hawlgalka AMISOM si loogu guuleysto Hawlgalka lagula dagaalamayo Alshabaab iyo sidii loo sugi lahaa ammaanka labada dal.

Dowladda Maraykanka, waxay si toos ah ugu kharaj gareysay in ka badan 500-million oo Dollars qalabaynta, tababarka, Sirdoonka oo la siiyey  Ciiddanka AMISOM oo ka kooban Milliteri iyo Bolis ka kala socda dalalka Kenya, Ethiopia, Burundi, Uganda, Djibouti, Sierra Leone, Nigeria iyo Ghana.

Dowladda Maraykanka waxay kaloo Kharaj dheeraad ku bixisay Taageeridda AMISOM, iyadoo loo soo marsiinayo QM.

Kaalmadda Maraykanka ugu deeqay Ciiddanka Midowga Afrika ee jooga Somalia 8-dii sanno ee la soo dhaafay waxay gaaraysaa in ka badan 1 Billion oo Dollar.

©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor