Maraykanka oo beeniyey inay weerareen Fariisin ay Alshabaab ku leeyihiin Gobalka Gedo.

War-saxaafadeed ay soo saareen Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika (US Africa Command) ee AFRICOM aya lagu beeniyey inay iyagu ka dambeeyeen Duqeyntii bishan 14-dii ka dhcday qeybo k mid ah Gobalka Gedo, taasi oo ay Warbaahinta Caalamka shaaciyeen in lala beegsady Fariisimo ay Alshabaab ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde.

AFRICOM waxay tilmaameen inaysan ku lug lahayn wax duqeymo caynkaasi ah o oka dhacay Deegaanadaasi, isla markaana Hawlgalkii Duqeynta ee ay Maraykanka ka fuliyeen Somalia ahaa  weerar dhacay bishii Janaayo ee sannadkan 2017-ka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump waxa uu bishii hore saxiixay qorshe lagu kordhiyey Hawlgalladda Duqeynta Cirka iyo Madaafiicda ee laga fuliyo gudaha Somalia, gaar ahaan Deegaanadda ay ku xooggan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media