Maraykanka oo baaraya Kiiska Isku-dayga ee dad Soomaali ah looga soo masaafurin lahaa dalkaas

Hay’adda Socdaalka iyo Canshuuraha Maraykanka ee ICE ayaa sheegtay inay Saraakiisha Federalka bilaabeen Baaritaanka Dembiyo la xiriira isku-day lagu doonayey in 92 Soomaali looga soo masaafuriyo dalkaasi bishii December ee sannadkii hore.

Dhibanayaasha Soomalaida waxaa haatan lagu hayaa Xarumo dadka lagu hayo oo ku yaalla Koonfurta Gobalka Florida, iyadoo Maxkamad Federal ah doonayso in daaqada laga tuuro qorshihii lagu masaafurin lahaa dadkaasi.

Bishii December ee sannadkii hore, Hay’adda Socdaalka iyo Canshuuraha ee Maraykanka waxay 92-ka Soomaalida Diyaarad ka soo saartay Gobalka Louisiana si loogu soo celiyo Somalia, kadib, markii dadkaasi  loo jaray Amar lagu masaafurin lahaa, balse Diyaaradda waxay 20-daqiiqo ku hakatay  dalka Senigaal, ka hor intaan 92-ka qof ee Soomaalida dib loogu celinin Maraykanka, waxaana laga dejiyey Garoon ku yaalla magaalladda Miyaami ee Gobalka Florida.

Dhibanayaasha Soomaalida waxay buuxiyeen Dacwad ka dhan ah falalkii lagula kacay  intii ay Diyaaradda saarnaayeen, waxayna qaar ka mid ah sheegeen inay Ilaaladii la socotay Diyaaradda ay kula kaceen Jir-dil iyo cadaadisyo kale.

Professor  Steven Symes oo wax ka dhigay Jaamacad laga barto Cilmiga Daawada oo ku taalla magaalladda magaalladda Miami oo baaritaan ku sameeyey Dhibanayaasha Soomaalida ayaa sheegay in lagu xad-gudbay, isla markaana loo diiday Dawaeyn inta ay ku jiren Safarka.

Waxaa kale oo uu tilmaamay inay qaarkooda la xanuunsanayeen dhawaacyo kaga yaallay Gacmaha, Luqunta, Garabka, Dhabarka iyo Qoobka.

Professor-ka oo buuxiyey Gal-Kiiseed ayaa sheegya inuu fahamsan yahay inay Dowladda Federalka beeniyeen inay 92-ka Soomaalida dhaawacyo ka soo gaaray Diyaaradii lagu masaafurin lahaa bishii December 7-dii ee sannadkan.

Si kastaba ha ahaatee,  Kormeeraha Xafiiska Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka waxa u ubilowgii sannadkan baaritaan ku bilaabay waaxa dadka Soomaalida k uqabsaday Diyaaradii lagu soo masaafurin lahaa.

Sidoo kale, Garsoore Heer Federal ayaa joojiyey in mar kale dadkaasi loo masaafuriyo dalkooda hooyo ee Somalia.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media