Maraykanka, Japan iyo Koonfurta Kuurya oo si wadajir u bilaabay Dhoolatus Milliteri.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Koonfurta Kuurya ayaa lagu sheegay inuu Dhoolatuskaasi maanta ka bilowday Xeebta Koonfurta Kuurya kuna dhow Badda Japan.

Carbiskaasi oo socon doona muddo 3 maalmood, waxaa ka qeyb galayo in ka badan 800 Askari, kuwaasi oo ay wehliyaan dhowr Maraakiibta dagaalka ee wax burburiya iyo Helikopteradda lagula dagaalamo Maraakiibta Badda quusta ee Gujiska.

Tababarkaasi Milliteri ayaa la sheegay inuu loogu diyaar-garoobayo sidii loogu hortegi lahaa weerarada Gantaalladda ee laga filan karo dalka Waqooyiga Kuurya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Mraaykanka, Donald Trump ayaa ku goodiyey inay Tallaabo Adag ka qaadi doonaan Waqooyiga Kuurya, haddii ay Dowladda Shiinaha ka soo horjeesato in la weeraro Barnaamijka Nukliyeerka ee Waqooyiga Kuurya.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media