Maraykanka iyo Ethiopia oo ka wada hadlay in Dowladda Somalia laga taageero La-dagaalanka Alshabaab.

Ra’isul-wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn Boshe ayaa mar kale xaqiijiyey inay Dowladiisa sii wadayso Taageeradda ay Dowladda Somalia ka siinayaan Hawlgalladda lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab.

Ra’isul-wasaaraha ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Kongareeska Maraykanka ugu qaabilsan Xiriirka Arrimaha Dibedda, Edward Randall “Ed Royce” oo haatan booqasho ku jooga magaalladda Addis Abeba.

Warkan oo ay baahisay Wakaalladda Wararka Ethiopia ee ENA ayaa lagu sheegay inay Labada Mas’uul isku aragti ka noqdeen sidii Dowladda Federalka iyo Hawlgalka AMISOM looga taageeri lahaa Hawlgalka ka dhanka ah AMISOM.

Guddoomiyaha Guddiga Kongareeska Maraykanka ugu qaabilsan Xiriirka Arrimaha Dibedda, Ed Royce oo ka hadlay Kulankaasi ayaa sheegay inay Dowladda Maraykanka soo dhaweynayso dadaalka Dowladda Ethiopia ugu jirto Nabad-raadinta Somalia iyo Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibedda ee  Ethiopia,  Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus waxay Toddobaadkii hore mar kale ka digtay inay Alshabaab khatar ku yihiin Dalalka Gobalka, gaar ahaan dalka Ethiopia.

©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor