Maraykanka iyo Djibouti oo ka wada hadlayo Xaalladda dalka Somalia iyo La-dagaalanka Alshabaab

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee  dalka Maraykanka, John Kerry ayaa la filayaa inuu dhawaan booqasho ku yimaado dhowr dal oo ku yaalla Geeska Afrika.

Hadal ka soo baxay Waaxda Arrimaha dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay inuu John Kerry booqasho taariikhi ah ku imaan odono dalka Djibouti oo uu ku yaallo  Saldhigga  Milliteri ee ugu weyn ee ay Maraykanka ka fuliyaan hawlgalladda  oo lagala dagaalamayo Alshabaab iyo Alqaacidada Yemen.

Waxaa la filayaa inuu Madaxweynaha dalka Djibouti, Ismail Omar Gelle la kulmo, iyagoo isla eega xaalladda guud ee Mandiqadda, xiriirka labada waddan, Dagaalladda ka socda Yemen  iyo Arrimaha Nabadda Somalia

Kerry ayaa noqon doona Xoghayihii Arrimaha dibedda ee Maraykanka ee ugu horreeyey ee booqda dalka Djibouti oo ku yaalla deegaan Istaraatijiyad Calaami leh.

Dhinaca kale,  Afhayeenadda Waaxda Arrimaha dibedda Maraykanka, Marie Harf ayaa sheegtay inuu John Kerry booqan doona dalka Kenya bisha soo socota ee May 3-da, isagoo Madaxda dalkaasi kala hadlayo xiriirka labada waddan, Ammaanka iyo Hawlgalladda Kenya ay kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab, oo iyagu bishan April 2-dii weeraray Jaamacadda Garissa, oo lagu dilay 148-qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor