Maraykanka iyo dalalka Khaliijka oo Cunaqabatayn ku soo rogay Hoggaamiyayaasha Ururka Xisbullaahi Lubnaan.

Xubnaha lagu soo rogay Cunaqabataynta ayaa kala ah Hoggaamiyaha Ururkaasi, Sheekh Xsaan Nasrullaahi iyo Ku-xigeenkiisa Naciim Qaasim iyo 3 xubnood o oka tirsan Golaha Shuuradda ee Ururka Xisbullaahi Lubnaan.

Hadal ka soo baxay Dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Tallaabadaasi qeyb ka tahay Go’aanki ay Maraykanka ku soo rogeen Dowladda Iiraan iyo Kooxaha Isbahaysiga la ah.

Dhinaca kale, Dowladaha Sacuudiga, Baxrayn, Kuweyt, Imaaraadka iyo Cummaan waxay iyagana ku dhawaaqeen inay Cunaqabatayn ku soo rogeen Madaxda Sare ee Ururka Xissbullaahi Lubnaan, Shaqsiyaad iyo Shirkado gacan-saar la leh Ururkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media