Maraykanka: Arday Somali oo feer sanka kaga jebiyey Macalimad

 

Ridwaan Maxamuud oo 17 jir ayaa la sheegay inuu bishan December 21-dii feer sanka kaga jebiyey mid ka mid ah Macalliimiinta wax ka dhigta Dusgiga Sare ee Southwest High School in Green Bay oo ku yaalla Gobalka Wisconsin ee dalka Maraykanka.

Ardayga ayaa la sheegay inuu ka carooday Eray Kaftan ah oo ay Macallimadda dhowr maalmood ka hor ku tiri: “Ridwaan waad fool xun tahay”, balse markii dambe ay ka raalli-gelisay.

Qaar ka mid ah Ardayda ayaa sheegay inaysan  Macallimadda wax iska caabin ah samaynin markii uu Ridwaan feerayey.

Maxamuud hooyadiisa waxay iyadana sheegtay Maamulka Dugsiga iyo Ciiddanka Boliska inay ku dadaashay inay wiilkeeda ka dejiso xanaaqa uu ka qaaday Erayga ay Macallimadiisa kula kaftamay, balse uusan dulqaad samaynin.

Dhinaca kale, Ridwaan Maxamuud ayaa ka soo hor muuqday Maxkamadda, waxaana ku socota dacwad, laga yaabo inuu ku muteysto Xukun Xabsi ugu yaraan 3 sanno iyo bar ah haddii lagu helo fal-dembiyeedkaasi. 

Ridwaan Mohamud2 Ridwaan Mohamud 1

©Radio Dalsan                 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor