Maraykana oo Saraakiil ka tirsan AMISOM u soo tababaray Xeelladaha Dagaalka ay kala hortagaan Alshabaab

19 Sarkaal oo u kala dhalatay dalalka Kenya iyo Uganda ayaa waxay Tababar ku soo qaateen Dugsiga taageeradda Nabadda Aadminimo ee hoos taga Xarunta Caalamiga ee Tababarka Nabadda  oo ku yaalla caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Tababarkaasi oo ay bixiyeen Saraakiil Maraykan oo ka tirsan Xarunta Dhexe ee Hawlgalladda Tababaradda iyo Taakuleynta (ACOTTA) ayaa waxay Saraakiishaasi ku soo qaateen Tababar la xiriira La-dagaalanka Alshabaab, Ka-hortagga carruurta la askareeyo iyo Kufsiga.

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay in Tababarkaasi markhaati u yahay Taageeradda ay Maraykanka ka geystaan Tabaabrka Ciiddanka Nabad-ilaalinta, qorsheynta daad-gureynta Ciiddanka Nabad-ilaaliyaasha ka hawlgala gudaha Qaaradda Afrika.

Madaxa  Xarunta Dhexe ee Hawlgalladda Tababaradda iyo Taakuleynta (ACOTTA) ee magaalladda Nairobi, Don Zimmer ayaa sheegay in Fikradda Tababarka looga dan leeyahay tahay maadaama aysan Milliteriga Maraykanka ka hawlgeli Karin qeybo ka mid ah Afrika inay taageero iyo tababar siiyaan  Milliteriga Gobalka.

Don Zimmer oo ah Kolonel hawlgab ka noqday Milliteriga Maraykanka waxa uu tilmaamay in Somli oo aan wax Dowlad ah ka jirin tan iyo dabayaaqadii sannadihii 1980-aadka ay suurtogal tahay inay Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Alqaacida saldhigyo ka dhigtaan, kana  hawlgalaan gudaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay weli jiraan baahi loo qabo in xal loo helo Alshabaab iyo Alqaacida, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay dan ugu jirto Afrika in xal loo helo arrimahaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiisha AMISOM ee ay Milliteriga Maraykanka soo tababareen ayaa la filayaa inay ka hawlgalaan Xarunta Dhexe iyo Taliska Hawlgalka AMISOM si ay u dardar geliyaan Go’aanadda Milliteriga ee horumarka samaynayo iyo qaabka loo xaqiijin lahaa inay wada hawl galaan Taliyayaasha.

Dhinaca kale, Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa la filayaa inay bisha October ka qeyb galaan Tababar ay Saraakiil Maraykan ah ku qaban doonaan Xarunta Dhexe ee Hawlgalladda Tababaradda iyo Taakuleynta (ACOTTA) ee magaalladda Nairobi.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor