Maqaayad ku taala Kenya oo loo xiray weerarada al shabaab darteed (Sawirro)

Maqaayad ku taala dalka Kenya, oo uu leeyahay milkiile shiinees ah ayaa waxaa laga mamnuucay wixii ka danbeeya 5:00 pm in ay ka caweeyaan ama wax laga iibiyo dadka madoowga ah ee qaarad Africa.

Milkiilaha oo wax laga weydiiyay sababta uu u diiday ayaa waxaa uu sheegay I dhoor jeer la weeraray waqtiga dambe, sidaas darteedana uusan kala garaney dadka soo galay waqtigaasi in ay yihiin Dagaalyahada Al Shabab iyo inkale.

Waxaa loo ogolyahay oo kaliiya wixii ka dambeeya shanta galabnimo dadka cadaanka ah, waxaana ka carooday boliiska dalka Kenya kadibna waxaa ay xireen milkiilaha maqaayada, oo lagu magacaabo Zhao Yang.

Dowladda Kenya ayaa waxaa ay milkiilaha maqaayada ay ku eedeysay in uu si sharci daro ah uu dalka Kenya uga furtay maqaayad, ayna dastuurka la tiigsan doonaan.

llll2 llllllllllllllllllllllllllllllllllll

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor