(MAQAAL): Ahmed Madoobe:- Hoggaamiyihii Nabadda Gaalkacyo

Xilliyada adag  ee soo foodsaara bulshooyinka waxay imtixaan u yihiin hoggaamiyayaasha bulshada oo ku kala hara kaalintooda iyo u dhabar adaygooda sidii caqabadaha looga bixi lahaa. Xilkasnimada iyo xal keeniddu waa sifo lagu yaqaan hoggaamiyaha xikmadda iyo burjiga leh ee u bareera sidii dhabarka ugu ridan lahaa dhammaan culayska dhibaatooyinka jira ee u baahan in loo helo meel looga baxo. Hoggaamiyaha dhabta ah iyo qof aqoon leh oo meel sare ka gaaray dhinaca waxbarashada waa laba qodob oo kala duwan oo ay inta badan isku qaldaan dadka qaar, waxana xusid mudan in hoggaamiyaha laga hadlayo uu isku darsaday aqoon diineed, mid dhaqan iyo karti hoggaamineed oo asaas u ahayd xal u helidda caqabado iyo duruufo adag oo ay adag tahay in hoggaamiyayaal badan ay xal u heli karaan.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland waxaa lagu xusuustaa halgankii dheeraa ee uu u galay sidii degaanada Jubbooyinka looga xorayn lahaa ururka hororka ah ee Shabaab oo dadaalkiisu sabab u ahaa in kooxdaasi dhiigyacabka ah bulshada Soomaaliyeed ee degaanadaasi laga kor qaado. Taa, waxaa u dheer, kaalintii uu ka qaatay dhismaha Jubaland xilli ay adkayd in bulshada la isu keeno oo laga gudbo kala qoqobnaanta beelaha isla markaana la yagleelo maamul si dawli ah u shaqaynaya oo bulshada ay ku wada jiraan. Haddana, waxaa xusid mudan kaalintiisii la heshiinta Dawladda dhexe iyo kaalintii lafdhabarka  ahayd ee ka qaatay shirarkii hiigsiga ee looga hadlayay xaaladaha dalkeena iyo halka aynu u soco. Waxana dad badan ay qireen marka la isugu yimaado fagaarayaasha looga hadlay arrimaha Soomaaliya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu yahay hoggaamiyaha kaliya ee mar walba ka hadlay xaaaladaha gaarka ah ee dalkeena haddii ay tahay siyaasad iyo arrimo kaleba.

Intaasi iyo kaalimahaasi waddaniga ah ee uu qaatay marka laga tago, waxaa dhammaadkii bishii hore dagaal uu ka qarxay magaalada Gaalkacayo oo u dhexeysa Maamullada Puntland iyo Galmudug, waxana dagaalkaasi uu qatargeliyey dalka  waxana suuragal ahayd inuu dagaal sokeeye waddanka ku celiyo. Dagaalkan oo sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed, waxaa damintiisa iyo soo afjariddiisa kaalinta ugu muhiimsan ee hoggaaminadeed qaatay Madaxweyne Axmed Madoobe. Waxa uusan marna ka daalin isu soo dhowaynta labada dhinac iyo sidii loo heli heshiis kama soo afjara shaqaaqada.

Madaxdii Soomaaliyeed, bulshada caalamka iyo xubnaha bulshada ee dadaalkan daminta xasarada Gaalkacayo waxay isla qireen kaalinta hoggaamineed iyo xilkasnimo ee uu qaatay Madaxweyne Axmed Madoobe, waxana muuqatay inuu adeegsanayey xirfadihiisa kala duwan ee dhaqan iyo hoggaamineed si dhibaatada looga gudbo.

Safarkiisa nabad doonimada waxa uu ka bilaabay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, waxana safarkaas ku weheliyey inta badan xubnaha Dawlad gobolleedka Jubbaland, waxana uu ugu horeyn halkaasi shir dheer kula qaatay madaxda Puntland iyo qaybaha bulshada, isagoo Madaxweyne Cabdiweli Gaas ku qanciyey inuu Gaalkacayo yimaado si uu xalka uga mid noqdo. Waxa xusid mudan in Madaxweynaha Puntland uu xilligaasi diidanaa la kulanka hoggaanka Dawlad Goboleedka Galmudug oo xurguf muddo soo jiitamaysay u dhexaysay. Mudane Axmed Madoobe waxa uu labada maamul ka dhaadhiciyey in khilaafka ka dhexeeya iyo badbaadinta dhiigga iyo hantida shacabka Soomaaliyeed ay kala yihiin laba arrimood oo kala duwan.

Markii ay furmeen wadahadaladii labada dhinac oo ay ka horraysay isu soo jiidid iyo qancin labada maamul, Hoggaamiye Axmed Madoobe waxa uu lahaa kaalinta ugu muhiimsan ee isu keenidda Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo Madaxweyne Cabdikariim Guuleed. Waxaa intaas dheer, waxa uu abaabulay qaybaha bulshada rayidka ah oo uu sheegay inay xoojiyaan nabad raadinta iyo xal u helidda qalalaasaha Gaalkacayo si aysan dhibtu faraha uga bixin.

Isku soo wada duuboo, waxaa muhiim ah in la wada garawsado kaalinta waddaniga ah ee Madaxweyne Axmed Madoobe ka ciyaaray xallinta dhibaatadii Gaalakacayo iyo sidoo kale dadaaladiisa dib u soo celinta dawladnimada iyo midnimada dadka Soomaaliyeed. Soomaalidu wax isuma quuraan ama qofka marka uu dhinto bey wanaagiisa sheegaan, maanta waxaa muhiim ah in aan sheegno qofka wanaagsan ee bulshada badbaadiya. Geesiga isma qariyo mana dhuunto ee waa kan u bareera xamilidda culaysyada iyo ka gudbidda caqabadaha.

Ahmed Jama Mohamed
Qoraa sare, iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan
Email: [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor