Mandera: Qabuur-wadareed laga helay maydkii Hooyo 5 carruur dhashay iyo maydad kale.

Qabuur-wadareed lagu aasay ugu yaraan 12-mayd oo ay ku jirtay hooyo 5 carruur dhashay ayaa shalay laga helay Degmadda Mandera ee W/bari Kenya.

Maydadkaasi ayaa la rumeysan yahay inay ka mid yihiin 59 qof oo lagu la’aa Gobalka Mandera.

Hay’addaha Ammaanka ee Kenya ayaa lagu tuhunsan yahay inay geystaan jir-dilka iyo dadka la waayo.

12-ka Mayd ee laga helay duleedka Mandera waxaa laga aqoonsaday oo keliya haween magaceeda lagu sheegay Isniino oo Dukaan Shaaha lagu iibiyo ku leh Mandera.

Wargeyska The Star oo dhacdadan wax ka qoray waxa uu dadkii soo fagay Qabrigaasi ka soo xigtay inay heleen maydkii Isniino oo la qaawiyey, lafaha laga jejebiyey, iligna uu ka maqan yahay, taasi oo muujinaysa in la jir-dilay, ka hor intaan la tooganin.

Goobjoogayaasha oo codsaday inaan la sheegin magacyadooda waxay sheegeen inay Ciiddanka Ammaanka Arbacadii hore ka kaxeeyeen Marxuumadaasi Dukaankeeda oo ka soo horjeeda Masjidka Alfurqan ee magaalladda Mandera.

Raggii kaxaystay Haweeneydaasi oo isku sheegay inay yihiin Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya waxay wateen gaari nooca probox oo aan Taariko lahayn.

Labo gawaarida Milliteriga Kenya ayaana la socday gaariga lagu kaxeystay Isniino.

Dhinaca kale, waxaa jira Qabuuro kale oo lagu tuhunsan yahay in lagu aasay dad ay Ciiddanka kala baxeen guryahooda, kuwaasi oo lagu wado in maalmaha soo socda la soo fago.

Siyaasiyiinta W/bari ee Kenya waxay qeylo-dhaan ka muujiyeen Tacadigaasi, waxayna qorsheynayaan Kulan ay kaga hadlayaan Dhacdooyinka naxdinta leh ee ay Ciiddanka kula kacaan dadka ku nool W/bari Kenya.

Bishii May, Degmadda Wajer waxaa laga helay Qabuur-wadareed lagu aasay 11-qof, iyadoo la garan la’ yahay dadkii ka dambeeyey gabood-falkaasi.

kdf lorry gaari probox

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor