Malta: Xukun lagu riday nin Somali oo argagax-gelin iyo burburin geystay.

Muwaadinka oo lagu magacaabo Abiib Aadan Xamsa oo 22-jir ah ayaa lagu soo oogay inuu waxyeello u geystay dhowr gaari, kadib, markii uu la dhacay Dhagxaan.

Wargeyska Times of Malta oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa qoray inuu Eedeysanahaasi bishii hore argagax geliyey Dareewalada Gaadiid isticmaala Wadada Moro Road ee Deegaanka Marsa iyo inuu jidka dhexdiisa la istaagay Dhagxaan.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu sarqaansanaa markii uu falalkaasi samaynayey, sida ay Boliska ka caddeeyeen markii Eedeysanaha la soo gole joojiyey Maxkamadda.

Garsooraha waxa uu Eedeysanaha ku xukumay Xabsi 6 bilood iyo Ganaax Lacageed oo dhan 300 oo Euro.

Abiib Aadan Xamsa oo Qaxooti ahaan ugu nool Jesiiradda Malta ma aha markii ugu horreysay ee la soo taago Maxkamadda, iyadoo bishii Feberaayo lagu xukumay 3 bilood, kadib, markii lagu soo oogay inuu ku fashilmay inuu xado Boorso-gacmeed.

 Xigasho: Times of Malta

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor