Malta: Xarun Caafimaad oo uu Nin Somali burburiyey oo dib loo furay.

Wasaaradda Caafimaadka ee Malta ayaa saakayto soo saartay Hadal ay ku sheegtay in dib loo furtay Xarunta Caafimaadka ee “The Floriana health centre” , kadib, markii uu Bukaan u dhashay Somalia uu habeen hore burbur u geystay dhismahaasi.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay Boliska baaritaan ku hayaan falkaasi oo uu geystay Nin Somali oo 21-jir ah.

Boliska waxay sheegeen inuu ninkaasi ku dhaawacmay muddadii uu burburinayey Kombiyuutarada yaallay Xaruntaasi iyo Daaqadaha.

Ninka Soomaaliga waxaa la dhigay Isbitaalka Mater Dei Hospital, oo laga daaweynayo dhaawacyo soo gaaray.

Sidoo kale, mid ka mid Ilaaladda Xaruntaasi ayaa waxay dhaawac fudud ka soo gaareen dhalooyinka la burburiyey.

Baaritaan ayaa socda, waxaana arrinta loo xil-saaray Boliska iyo Guddi Garsoorayaal si ay u baaraan waxa ku dhaliyey Ninka Soomaaliga inuu burburiyo qalabkii yaallay Xarunta Caafimaadka ee “The Floriana health centre”

Xigasho:- Times of Malta

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor