Malta oo ku baaqday in faragelin lagu sameeyo Xeebaha dalka Libya, si la mid ah Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda Soomaalida

Taliyaha Ciiddanka Badda ee Jesiiradda Malta, Admiral Chris Parry ayaa ugu baaqay QM inay faragelin lagu sameeyo Xeebaha dalka Libya, si loola socdo Qulqulka Tahriibayaasha iyo in dib loogu celiyo Libya.

Taliyaha ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Barnaamijka Newsnight ee Idaacadda BBC-da, wuxuuna xaalladda Tahriibayaasha ku tilmaamay mid laga soo minguuriyey Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

“Waa inaan ka joojinaa Tahriibayaasha inay Badda soo galaan iyo Maraakiibta sida suuqa madow u soo daad-gureeya” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Badda ee Malta, wuxuuna intaasi ku daray inuu rajo ka qabo in lagu guuleysan karo hawshaasi, haddii  la helo Maraakiinb dagaal oo dusha kala socda Tahriibayaasha.

Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in Kooxaha dadka ka soo tahriibiya Xeebaha Libiya loola macaamiltamo sida Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha 28-ka waddan ee xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe (EU), ayaa la filayaa inay berrito Shir Degdeg ah ku yeeshaan caasimadda dalka Belgium ee Brussels, si ay Tallaabo Siyaasadeed ugu xaliyaan Tahriibayaasha ku le’anayo Baddaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor