Maleeshiyo la sheegay inay dad ku dileen W/bari ee dalkaasi

9 qof ayaa la dilay, 6 kalena waa la dhaawacay, kadib, markii Maleeshiyo beeleed la sheegay inay ka tallaaneem xadka Somalia ay dad xoolo-dhaqato ah ku dileen Deegaanka Arabia ee duleedka Mandera.

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Mohamoud Salah ayaa xaqiijiyey inay Maleeshiyo ka tirsan Beel degta Gobalka Gedo ay weerarkaasi geysteen, wuxuuna beeniyey inay Dagaalamayaasha Alshabaab fuliyeen dilkaasi.

“Waxaan rajeynaynaa inaysan weeraro kale ka dhicin Deegaanka, laakiin, dadka weerarka soo qaaday ma ahayn Alshabaab” ayuu yiri Mas’uulkaasi oo khadka Telefoonka kula hadlay Wargeyska The Daily Nation.

Waxa uu intaasi ku daray in la adkeeyey ammaanka xuduudka, iyadoo ay Ciiddanka Milliteriga iyo kuwa Boliska ilaalo ku maraan dhulka xuduudka.

Dhinaca kale, 11 Sarkaal oo ka tirsan Boliska Kenya ayaa ku  dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay deegaanka Raxamu ee duleedka Mandera.

Saraakiisha ayaa ku sii jeeday Deegaanka River Sau’I, halkaasi oo lagu dilay haween, kadib, markii uu dagaal beeleed u dhexeeya labo beelood oo Soomaali ah  ka soo cusboonaaday halkaasi.

© Radio Dalsan