Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo ku dagaalamay Gobolka Mudug

Dagaalkaan ayaa  u dhaxeeyay Maleeshiyaad xoolo dhaqato ah waxa uuna xalay ka dhacay deegaanka Jeexdin oo dhaca duleedka magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Maleshiyaadkaan ayaa ka soo kala jeeday Maamulada Puntland iyo Galmudug,waxana lagu soo waramayaa in u geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalkaan ayaa salka ku haya sida la sheegay aanooyin qabiil kadib markii habeen ka hor deegaankaas lagu dilay Nin xoolo dhaqato ah,waxaana la sheegayaa in dagaalkii xalay ay ku dhaawacmeen Afar ruux oo labada dhinac ah.

Waxgaradka Gobolka Mudug qaarkood oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaan uu bilaawday markii la kala dhacay xoolo nool,isla markaana uu dhaawacayo heshiiskii Gaalkacyo lagu kala saxiixday.

Weli dagaalkaas kama halin masuuliyiinta labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media