Maleeshiyaad isku qarxiyey duleedka Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.

Guddoomiyaha  magaalladda Ankara, Erkan Topaka ayaa sheegay in Labo Maleeshiyo oo midi haweeney ahayd is-qarxiyeen, xilli ay Boliska hareereeyeen.

Isagoo la hadlayey Telefishinka CNN TURK Waxa  uu tilmaamay in Maleeshiyadaasi la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxda PKK diyaarinayeen gaari miineysan, si ay ugu fuliyaan Weerar Is-qarxin ah.

Dhinaca kale, Boliska waxay sheegeen inay goobta uu qaraxu ka dhacay oo 30 KM u jirta magaalladda Ankara ka heleen 200 oo Kiilo oo waxyaabaha qarxa.

Qarax Khamiistii hore ka dhacay meel ku dhow Saldhig Bolis oo ku yaalla magaalladda Istanbul waxaa ku dhaawacantay 10-qof.

Police counter terrorism officers stand in a farm after a blast detonated by two militants, in the countryside of Haymana near Ankara, Turkey, October 8, 2016. REUTERS/Stringer

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor