Maleeshiyaad hubeysan oo xalay 5 ruux ku dilay deegaanka Xawaadleey

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xawaadleey oo hoostagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xalay deegaankaas lagu dilay Shan ruux kuwaas oo lagala dagay gaari ay saarnaayeen.

Dadkaan ayaa xiliga la dilayay waxa ay sarnaayeen Gaari siday Khudaar oo ay u soo wadeen Magaalada muqdisho balse xili ay marayeen meel lagu magacaabo Beerta Maxamed Dirshe waxaa gaarigii ay saarnaayeen kala degay kooxo hubeysan oo wadada taagnaa kuwaas oo dhowr Xabadood ku dhuftay sida uu inoo xaqiijiyay qof kamid ah dadka deegaanka.

Sababta ka dambeysa arintaan ayaa lagu sheegay mid la xiriirta aanooyin qabiil oo ka kala dhaxeeyay Maleeshiyaadkii hubeesnaa ee wax dilay iyo kuwa la dilay.

Dadka ku nool deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa aad uga xumaaday dhacdadan iyadoo la ogaa in dhawaan Deegaanka Xawaadleey iyo Sadax Tuulo oo kale oo hoostagta degmada Balcad ay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay laba maleshiyo beeleed dagaalkaas oo isku bedelay in guryo la gubo.

Xiriir aan la sameynay Maamulka degmada balcad ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino dilkii xalay ka dhacay deegaanka Xawaadleey,waxana la soo sheegayaa in dadkaas haatan lagu aasayo deegaanka Xawaadleey