Maleeshiyaad hubeysan oo Nin Darawal ahaa ku dilay Magaalada Buuhoodle

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxay sheegayaan in deegaan hoos yimaada degmada Buuhoodle xalay ay dabley hubaysani ku dileen nin darawal ahaa.

Ninkan ayaa lagu dilay sida naloo sheegay deegaanka Maygaagle oo hoos yimaada Buuhoodle,waxana uu ka mid ahaa Darawalada Gaadiidka Qaadka(Jaadka) ka keena Magaalada Burco ee deegaanada Maamulka Soomaaliland.

Ilaa hadda lama garanayo sababta loo dilay ninkaasi iyo ciddii dishayba,waxaana Ciidamada Booliska gobolka Togdheer ay bilaabeen hawl gallo ay kusoo qabanayaan dableydaasi xalay dilka u gaysatay marxuunka.

Dadka ku nool deegaanka Maygaagle oo hoos yimaada Buuhoodle,ayaa d uga xumaaday dilka loo geestay Ninkaasi Darawalka ahaa iyaga oo ciidamada Booliiska ka dalbaday in ay Gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media