Maleeshiyaad hubeysan oo Gawaari Xamuul sida ku dhacay duleedka Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegyaan in halkaasu lagu dhacay 3 Gaari oo xamuul ah  kuwaas oo kooxo hubaysan ay wadda kala leexsadeen.

Inta u dhaxaysa degmada Gaalkacyo iyo deegaanka Bacaaadweyn ee gobolka Mudug oo qiyaastii 45 KM u jirta degmada Gaalkacyo ayaa lagu dhacay gawaaridaas sida ay sheegeen qar ka mid ah dadka deegaanka.

Arrintaan ayaa la sheegay in ay daba joogto Wiil Dhalinyaro oo lagu heesto Baldweyne kaas oo loo heesto gaari ay lahaayeen Ganacsato reer Hiiraan ah oo lagu qabtay Boosaaso isaga oo qarax sida.

Waxgaradka iyo laamaha amniga ayaa wadda hawlgalo lagu badi goobayo kooxhii gaadiidkaasi leexsday si gacanta loogu soo dhigo.

Arintan ayaa kusoo aadaysa xili dhawaan magaalada Gaalkacyo lagu kala wareejiyey gawaari kale oo magaalooyinka Gaalkacyo iyo Beledweyne ee gobolada Mudug iyo Hiiran kuwaas oo lagu kala haystay labadaasi gobol

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media