Maleeshiyaad hubeysan oo Afduub ka geestay duleedka Magaalada Gaalkacyo

Maleeshiayad hubeysan ayaa duleedka Magaalada Gaalkacyo ka afduubtay gaari ay la socden Dad Shacab ah kuwaas oo doonyay in Gaarigaas dadka saaraanb ay baartan kana qaatan wixii ay sitaan.

Daqiiqado kadib ayaa waxaa muran xoogan uu soo kala dhexgalay Burcadii dooneysay in y dhacaan Gaariga iyo dadka saaraan taas oo keentay in uu dhex maro dagaal koobaan.

Wararka ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkaas uu ku geeriyooday mid ka mid ah Burcadii Gaariga leexsatay halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray.

Intaas kadib Ciidamada amaanka gobolka Mudug ayaa hawlgal ay sameeyeen kusoo qab qabtay ragii Gaarigaasi leexsaday iyo Gaarigii oo dib looga soo daayey Kooxihii Afduubatay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ee gobolka Mudug Puntland ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in ay baaritaano dheer ku sameyn doonaan Maleeshiyadkaan ay soo qabteen islamarkaana Maxkamad la soo taagi doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media