Maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidamada Nabadsugida Jubaland oo isku hor-fadhiya Magalada Kismaayo iyo rasaas goos-goos ah oo la maqlayo

Wararka saaka laga helayo magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada hoose ayaa sheegaya in xaafado ka mida magaalada ay isku hor fadhiyaan ciidamada Nabadsugida Jubbaland iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka careysan xarigga xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulkaas oo shalay Xabsiga la dhigay.

Goob-joogayaal ayaa ku waramay in xaafadaha qaar ee magaalada Kismaayo laga maqlayo rasaas aan badneyn oo loo maleynayo in ay isku ridayaan maleeshiyada hubeeysan in ciidamada amaanka ee maamulka Jubbaland.

Dhinaca kalana waxa weli xiran wadooyinka magaalada oo la dhigay ciidamo fara badan oo xaqiijinaya amniga’Waxaana ay baarayaan gaadiidka waaweyn iyo kuwa yar yar ee soogelaya magaalada.

Xaaladda Kismaayo ayaa shalay ilaa maanta waxaa ka taagan xiisad adag oo ka dhalatay xasaanad kala noqoshada xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Jubaland kadibna Xabsiga la dhigay iyada oo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto arintaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media