Magacyadda Somali Canadian-ka ku biiray Daacish iyo kuwo la dilay oo la shaaciyey.

Dukumenti dhawaan laga soo xaday Kooxda Daacish ayaa lagu soo bandhigay Kumanaan magacyo dad ka soo jeeda Dalalka Reer Galbeed ah, kuwaasi oo ku biiray Kooxda Daacish.

Dukumentiga ayaa muujinaya Mgaacyadda Shaqsiyaadkaasi, Canaawiintooda, sida Telefoonadooda, halka ay ka deggan yihiin dalalka ay ka soo jeedaan iyo Hawlaha ay u hayaan Kooxda Daacish

Hay’addaha Sirdoonka ee Dalalka Jarmalka iyo Britain ayaa sheegay inay Dukumentiyadaasi fududeyn karaan si loola socdo Shaqsiyaadka ku biiray Kooxda Daacish.

Dowladda Kanada ayaa iyadana ka hadashay Dukumentigaasi, waxaanala sheegay In ka badan 180 qof oo haysata Dhalashadda Kanada ayaa la sheegay inay u safreen kuna biireen Kooxda Daacish, iyadoo 60 ka mid ah dadkaasi dib ugu soo laabteen Kanada.

Dukumentiga Daacish waxaa lagu xusay mid ka mid ah Lixda Shaqsi ee Xag-jirayaasha ee ka soo jeeda magaaalladda Calagry, kaasi oo ah Somali-Canadian lagu magacaabo Farah Mohamed Shirdon.

Waxa uu ku noolaa Gobalka Alberta ee Galbeedka dalka Kanada, waxa uu  bishii March 14-dii ee sannadkii 2014-kii ku biiray Kooxda Daacish.

Farah Mohamed Shirdon oo uu adeer u yahay Ra’isul-wasaarihii hore ee Somalia, Abdi Farah Shirdon (Saacid) waxa uu isla sannadkii 2014-kii ka soo muuqday Muuqaal Video oo ay Daacish soo saartay, isagoo jeexjeexayo, kadibna gubayo Baasaboorkiisa Canadian-ka.

Farah Mohamed Shirdon oo isla sannadkaasi la sheegay in lagu dilay dalka Syria ayaa la hadlay Wargeyska Vice News bishii September ee sannadkii 2014-kii, wuxuuna sheegay inuu weli nool yahay.

Boliska FederalkaBoqortooyada Kanada (RCMP) waxay Farah Shirdon isagoo maqan ku soo oogeen 6 dacwadood oo ay ugu muhiimsan tahay inuu Canada uga soo dhoofay si uu uga mid noqdo Dhaqdhaqaaqyadda Koox Argagixiso.

Dhinaca kale, Telefishinka CBS ee dalka Kanada oo Dukuemntiga Daacish ka soo xigtay Shabakadda Zaman Al-Wasl, ayaa lagu xusay inay jiraan 4 Dagaalyahan oo Somali-Canadian ka soo jeeda magaalladda Edmonton  ka mid yihiin xubnaha ku biiray Kooxda Daacish.

Telefishinka CBS waxa uu magacyadooda ku kala sheegay Omar Abdirahman Aden, Walaalihiisa Hamza, Hersi Kariye iyo Mahad Hersi, kuwaasi oo la dilay iyagoo ka barbar dagaalamayo Kooxda Daacish.

Wargeyska National Post ee ka soo baxa Canada waxa uu isagana qoray in Soomaalida-Canadianka ku biiray Kooxda Daacish ee la dilay inay ka mid yihiin Abu Feras Al-Somali

Dhinaca kale, Shabakadda Zaman Al-wasi oo ay leeyihiin Mucaaradka Syria ayaa soo bandhigtay Faahfaahinta Foomamka ay Kooxda Daacish ka buuxiyeen 22,000 oo Dagaalyahanno ka tirsan Kooxda Daacish, oo ka soo kala jeeda dalalka Britain, France, Germany iyo kuwa kale.

HAMSA KARIYE

ISIS DOCUMENTS

farah shirdon 3

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor