(Magacyadda): Muwaadiniin British, Danish iyo Kenyan oo lagu xiray Nairobi.

Boliska Kenya ayaa la sheegay inay maalintii Labaad su’aalo weydiinayaan saddex qof oo shalay laga soo qabtay Dhismo ku yaalla Xaafadda Gigiri ee magaalladda Nairobi.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska Kenya ayaa lagu sheegay inay dadkaasi ku tuhunsan yihiin inay dad u qorayeen Xarakadda Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Saddexdaasi qof ayaa waxa magacyadooda lagu kala sheegay:

tom-james

  1. Tom James oo 32 jir ah, una dhashay dalka Britain.
  2. Yasmiin Sheikh, oo ah Somali haysata Dhalashadda dalka Denmark (Danish).
  3. Zamzam Hussien, Somali-Kenyan.

Eedeysanayaasha waxay xalay ku hoyden Xabsiga Baarayaasha Boliska, iyadoo ay su’aalo weydiinayaan Saraakiil ka kala socotay Waaxda Dembi-baarista iyo Waaxda Boliska Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka Kooxaha ay Reer Galbeedka ugu yeeraan Argagixiso.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor