Magaalladda Muqdisho oo Kaalinta labaad kaga jirta Kororka Dadka ee magaallooyinka Caalamka

Warbixin-sannadeedka Hay’adda Demographia ee dalka Maraykanka ayaa soo bandhigtay Kororka Dadka ku nool magaallooyinka ayaa lagu sheegay inay magaalladda Batam ee dalka Indonesia tahay magaalladda sida xooggan u kordhayaan dadka ku nool.

Magaalladad Batam oo  u dhow dalka Singapore waxaa tiro-koobkii ugu dambeeyey lagu sheegay inay ku nool yihiin 1.1 million oo qof., waxaana koradhay 7.4%.

Warbixinta Hay’adda Demograph waxaa kaalinta labaad ku jirta caasimadda Somalia ee Muqdisho, waxaana ku nool dad tiradoodu dhan tahay 2.1 million oo qof, waxayna korodhay 6.9%.

Magaalladda Muqdisho ayaa ka soo kabanaysa colaadihii, waxaana soo hagaagayo Xaalladda Ammaanka, Dhaqaalaha iyo Ganacsiga.

Soomaali badan ayaa ka soo laabanayo dibedda, kuwaasi oo go’aansaday inay ku noolaadaan, kana shaqeystaan Muqdisho.

Kaalinta Saddexaad ee Tiro-koobka Kororka Dadka ee Magaallooyinka waxaa ku jirta caasimadda dalka Burkino Faaso ee Wagadugu oo ay ku nool yihiin dad tiradoodu dhan tahay 2.7 million oo qof.

Warbixin-sannadeedka Hay’adda Demographia ee dalka Maraykanka waxaa lagu lagu sheegay in Kaalinta Afaraad iyo Shanaad ee Kororka Magaallooyinka ku yaallaan dalka Shiinaha, kuwaasi oo kala ah magaalladda Shimeen oo ay ku nool yihiin 4.4 million oo qof, waxayna korodhay 6.7%.

Magaalladda Yinjuwan waxaa ku nool 1.6 million oo qof, waxayna korodhay 6.1%

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor