Magaalada Beledweyne Oo Laga Mamnuucay Isticmaalka Shilinka Soomaaliya

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay magaaladaasi laga diiday isticmaalka lacagta Shilin Soomaaliga, waxaana kaliya wax lagu kala iibsanayaa lacagta Dollarka .

Ganacsiga magaalada Baladweyne xoogiisa ayaa saakay xiran kadib markii ganacsatada ay diideen in ay wax ku iibsadaan lacagta shilinka Soomaaliga, waxa ayna ganacsatada kaliya wax ku iibinayaan lacagta dollarka ah gaar ahaan tan Telfoonada lagu shubto.

Diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ayaa sabab looga dhigay lacago la sheegay in ay yihiin faalso shilin Soomaali ah oo magaalada Baladweyne la geeyay, waxa ayna taasi keentay in shilin Soomaaliga intiisa badan laga shakiyo.

Sicir barar ayaa sidoo kale laga dareemayaa magaalada Baladweyne oo sabab looga dhigay lacagta been abuurka ah ee magaaladaasi galay iyo diidmada ganacsatada diideen in lacag Shilin Soomaali ah wax ku iibsadaan.

Soomaaliya ayaa hada laga isticmaalaa kaliya Kunka Shling Soomaaliga, waxaana jira warshado sameeya lacagta kunka Shilin oo been abuur ah, waxa ayna taasi keentay in uu qiimo beelo lacagta shlin Soomaaliga uu hada kasoo haray Kun Shilin kaliya .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor