Madaxweynaha oo Kulamadii ugu dambeeyey la leh Odayaasha Dhaqanka ee Hiiraan

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu weli ku sugan yihiin magaalladda Beled-weyne, isagoo kulamo la leh Odayaasha Dhaqanka ee Gobalka Hiiraan.

Madaxweynaha waxa uu saakayto Kulamo muhiim ah la leeyahay Odaayasha Dhaqanka ee saluugsan inay ka qeyb galaan Shirka Maamul-u-samaynta Goballadad Sh/dhexe iyo Hiiraan oo ay gogosheeda fidsan tahay magaalla-madaxda Gobalka Sh/dhexe ee Jowhar.

La-tashiyada uu Madaxweynaha la leeyahay Odayaasha Dhaqanka  ee ku sugan magaaladda Beledweyn ayaa ah sidii dhamman beelaha dega gobolladda Hiiran iyo Shabellaha Dhexe uga qeyb qaadan lahaayeen Dhismaha Maamulka Labada Gobal iyo inay Odayaasha dadaal joogta ku bixiyaan Nabadda, si looga hortago dagaallo mar ka dhaca Hiiraan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu maanta ka soo ambabaxo Beled-weyne, wuxuuna soo mari doonaa magaalladda Jowhar, ka hor inta uusan dib ugu soo laabanin Muqdisho.

HIIRAAN 1 HIIRAAN 2 HIIRAAN 3 HIIRAAN 6 HIIRAAN 5 HIIRAAN 4

©Radio Dalsan                               

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor