Madaxweynihii xilka laga qaaday oo Maanta ku wajahan Magaalada jowhar

Cali Cabadulalahi Cosoble Madaxweynihii Maamulka Hir-Shabelle oo ay shalay xilkii ka qaadeen baarlamaanka Maamulkaas ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Jowhar.

Cosoble ayaa Maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho,iyada oo ay ku furnaayeen Mowjado Siyaasadeed oo kaga imaanayay dhanka xildhibaanada Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo ugu dambeyn xilkii ka qaaday.

lama oga talabada xigta ee la qaadi doona,welina dhankiisa kama hadlin Cosoble xilka qaadista ay ku sameeyeen Xildhibaanada.

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle y haatan waxa laga dareemayaa guluf dhanka Siyaasada ah,iyada oo ay jiraan Xildhibaano kale oo diidan xilka qaadista Cosoble.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media