Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo fariin u diray Shacabka Soomaaliyeed

Mdaxweynihii hore ee Somaaliya ee dowladii KMG,ka aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee Caawa u curatay.

War qoraal ah oo Sheekh uu soo dhigay Bartiisa Facbook uu ku leeayahay ayaa waxa uu ku yiri.

“Dhammaan umadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa bishii barakaysnayd ee Ramadan, ilaahay haka dhigo mid umadda Soomaaliyeed u horseedda guul kheyrkeeda iyo barakadeedana ilaahay noogu dembi dhaafo.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa Shacabka Somaaliyeed ugu baaqay in ay Nabada ka Shaqeeyaan islamarkaana dowladdooda taageeraan.

Maalinta Berito ah ayaa la filayaa in Shacabka Muslimiinta ah meel kastoo aay dunida ka joogaan ay Soomaan maalinta Koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media