Madaxweynihii Hir-Shabeelle oo Muqdisho u yimid la kulanka Xubno ka socda Beesha Caalamka

Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii Maamulka Hir-Shabeelle oo ay xildhibaanada Hir-Shabeelle sheegEen in ay xilkii ka qaadeen ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Mudane Cosoble,oo Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Jowhar ayaa Gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Muqdisho,iyada oo intii uu ku sugnaa Jowhar uu waqti badan ku bixiyay sidii uu xal uga gaari lahaa xilka qaadistii lagu sameeyay basle uusan ku guuleysan.

Waxaa la filayaa inta uu ku sugan yahay Muqdisho Cosoble,in uu la kulmo Masuuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka si uu ugu gudbiyo dacwad ka dhan ah dolwadda Soomaaliya maadaama uu dhawaan sheegay in xilka qaadistiisii ay masuul ka aheyd.

Marka laga soo tago Safarka uu Muqdisho ku yimid Cali Cabdullaahi Cosoble,ayaa weli dowladda Federaalka Soomaaliya kama hadlin xiisada ka dhexjirta Hir-Shabeelle.

Shalay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas Cusmaan Barre Maxamed,si ay ugala hadasho khilaafka Siyaasadeed ee Hir-Shabeelle ka jira.

Sidoo kale Gudoomiyaha Aqlka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta Guddi u saaray soo baara Xiisada Hir-Shabeelle daagalka deegaanka Xeraale iyo sidoo kale duqeyntii u dambeysay ee laga fuliyay Gobolka Jubbada Hoose kadib codsiyo ka yimid Xubno ka tirsan Aqalka Sare.

W/Q Cabduqaadir Jakaarta

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media