Madaxweynihii dalka Imaaraadka Carabta oo la shaaciyay inuu Goor dhow geeriyooday

Madaxweynihii dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa geeriyooday, sida ay goordhow shaacisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalkaas ee WAM.

Sheekh Khalifa, oo ahaa 73 jir ayaa muddo sanado ah la xarbinayey xanuuno.

“Wasaaradda Arrimaha Madaxtooyada waxay shacabka Imaaraadka Carabta iyo Dunida Islaamka uga tacsiyeyneysaa geeriday Sheikh Khalifa bin Zayed Al-Nahyan oo geeriyooday Jimce 13-ka May,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wakaaladda WAM.

Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa sidoo kale ahaa amiirka Imaaraadda Abu Dhabi oo ka mid ah toddabada Imaaradood ee dalkaas uu ka kooban yahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor