Madaxweyneyaasha Soomaaliya iy Turkiga oo kulan gaar ah ku yeeshay Istanbul

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Istanbul.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal, taageerada dhinaca dhaqaalaha,amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta ee Turkiga uu siinaayo Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana uu sheegay in doorka Turkiga ee Soomaaliya uu wax weyn ka beddelay xaaladda Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis dhinaca tamarta ah, kaas oo wax weyn ka tari kara dhaqaalaha iyo maalgashiga Soomaaliya/

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaatey Madaxa Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta ee Midowga Yurub, Neven Mimica, Agaasimaha Baanka Adduunka ugu qaabilsan Soomaaliya, Mrs Bella Bird, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee arrimaha Afrika, Linda Thomas-Greenfield, iyo madax kale.

©Radio Dalsan     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor