Madaxweyneyaasha Ruushka iyo Belarus oo ka walaacsan fal lagula kacay Muhaajiriin

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Jimcihii khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Belarus Alexander Lukashenko iyagoo ka wada xaajooday xaaladda xuduudka Belarus iyo Poland.

Putin iyo Lukashenko waxay walaac xooggan ka muujiyeen “falka aan la aqbali karin, naxariis-darrada ah” ee ay ku kacayaan ilaalada xuduudaha Poland, oo ay ku jiraan isticmaalka firfircoon ee xoogga iyo habab gaar ah, ayay Kremlin ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

“Alexander Lukashenko waxa uu ka warbixiyey tillaabooyinka ay Minsk u qaadday si ay u dejiso dhibaatada iyo bixinta gargaarka bini’aadantinimo ee muhaajiriinta, iyo sidoo kale wadahadal joogto ah oo taleefoon ah oo uu la yeeshay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Federaalka ee Jarmalka Angela Merkel November 17,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Madaxweynayaasha Ruushka iyo Belarus ayaa xusay muhiimada ay leedahay in la sameeyo iskaashi dhexmara Minsk iyo Midowga Yurub si loo xalliyo dhibaatada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor