Madaxweyne Xasan Sheekh oo U Hambalyeeyay Maxamadu Buhari

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Jamhuriyadda Federaalka Nigeria Muhammadu Buhari.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha la doortay ayaa ugu hambalyeeyay guusha uu ka soo hooyay doorashada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kale oo uu u hambalyeeyay shacabka Nigeria oo uu sheegay in ay Soomaaliya wadaagaan waxyaabo badan.

Madaxweynaha wuxuu rajeeyay in Soomaaliya iyo Nigeria ay yeeshaan iskaashi u dan ah labada dal.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, waxaa uu ka mid noqday hoggaamiyayaasha ugu horreeyay ee u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Nigeria.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor