Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in inta badan Dhallinyarada ugu biiraan Alshabaab sababo Dhaqaale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khudbad ka jeediyey Shirweynaha Caalamka ee Ammaanka Caalamka ee ka socda magaalladda Muich ee dalka Jarmalka ayaa soo hadal qaaday Dagaalka ay Ciiddanka Dowladda Federalka kula jiraan Alshabaab, wuxuuna sheegay inay guulo ka gaaray dagaalladaasi.

“Si looga guuleysto Alshabaab waxaa muhiim ah in muhiimad wanaagsan la siiyo Dhallinyarada dalka” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa uu tilmaamay in 70% tiradda guud ee Dadka Soomaaliyeed inay da’dooda ka hooseyso 35 jir, isla markaana ku soo koreen Fowdo iyo Sharci la’aanta, kadib, markii ay Dowladdii Dhexe burburtay sannadkii 1991-kii.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay inay Dhallinyaro badan ku biireen Alshabaab, kuwaasi oo uu tilmaamay inaysan  ugu biirin Alshabaab sababo la xiriira inay aaminsan yihiin Aragtidooda, balse ay ugu biireen sababo Dhaqaale si ay ugu quudiyaan Qoysaskooda.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor