Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii ugu horeysay booqday Dadaab

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw gaaray magaalada Dhadhaab ee waqooy Bari Kenya.

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Soomaali ah uu booqdo xerada Dhadhaab iyo guud ahaan xerooyinka qaxootiga ee Kenya,sido kale waa booqashadii ugu horeysay ee uu Xasan Sheekh ku tago halkasi tan iyo markii xilkan loo doortay.

Xasan Sheekh ayaa halkasi kula kulmay arday wax ku barata xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo uu maanta booqday.

Wafdiga madaxweynaha waxa ka sii horeeyay wafdi kale oo uu hor kacayay wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar.

Kenya ayaa hore u shaacisay iney xiri doonto bisha November ee sanadkan xerada Dhadhaab oo ay ku nool yihiin qaxooti badan oo Soomaali ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor