Madaxweyne Xasan Sheekh oo la sheegay inuu ka qeyb geli doono Aaska Askartii Kenyanka lagu dilay Ceel-cadde.

Afhayeenka Madaxtooyadda dalka Kenya, Manoah Esipisu ayaa maanta sheegay inuu Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ka qeyb geli doono Aaska Qaran ee loo samaynayo Askartii Kenyanka ee lagu dilay Weerarkii ay Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

State House Spokesman Manoah EsipisuMadaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, Saraakiisha Sare ee Dowladda, Milliteriga iyo Qoysaska Askartii geeriyootay ayaa la filayaa inay berrito ka qeyb galaan Aaska Askartaasi oo lagu qaban doono Xerada Milliteriga ee Moi oo ku taalla Degmadda Eldoret ee Galbeedka Kenya.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Nigeria, Maxamadu Buhaari ayaa lagu wadaa inuu berrito  booqasho 3 maalmood ah oo rasmi ah ku tago dalka Kenya, kana qeyb gali doono Munaasabadda lagu aasayo Askarta Kenyanka ee ay Alshabaab ku dileen Gobalka Gedo.

Dhinaca kale, Shabakadda Wararka ee Idaacadda Capital FM ee Nairobi ayaa lagu qoray  inay Madaxweynayaasha  dalalka Kenya, Somalia iyo Nigeria la filayo inay maalinta Jimcaha si wadajir ah ugu ambabaxaan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, si ay uga qeyb galaan Shirweynaha 26-aad ee Madaxweynayaasha Dowladaha Afrikaanka oo furmi doona maalinta Sabtida ee soo socoto.

Si kastaba ha ahaatee, Xarunta Madaxtooyadda  ee Dowladda Federalka Somalia weli kama soo bixin War ku aadan inuu Madaxweynuhu u ambabixi doono Nairobi, si uu uga qeyb galo Munaasabadda Aaska Askarta Kenyanka ee lagu diley Weerarkii Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen Deegaanka Ceel-cadde.

Xigasho: capitalfm.co.ke

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor