Madaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah Xalay kula qaatay Magaaalada New York Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron.

Madaxweyne Xasan Sheek ayaa kala hadlay David Cameron arrimaha Amniga Soomaaliya iyo Hiigsiga 2016 iyo Doorashooyinka Dalka lagu wado iney ka dhacan.

Britain ayaa hal cisho ka hor ku dhawaaqday iney Soomaaliya u soo diri doonto Ciidamo si gaar ah u tababari doona Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Xasan Sheekh ayaa sido kale kula kulmay New York xubno badan oo ka qeybgalaya Shirka Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay oo uu ku jiray Xoghayaha Guud Ee Jaamacada Carabta Nabiil Al Carabi.