Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Diinsoor

Wafdi balaaran oo ka kooban labada gole ee dowladda islamarkaana uu horkacay madaxweynaha Dalka Xasan sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmadda Diinsoor ee gobolka Baay.

Madaxweynaha Dalka iyo wafdigiisa waxaa degmadda kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka iyo kan degmadda Diinsoor waxaana aad loo adkeeyay amaamka guud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in Diinsoor uu kulamo kula qaato ciidamadda Dowladda Iyo Amisom si loo xaqiijiyo amaanka.

Socdaalka Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud uu ku Gaaray Diinsoor ayaa waxaa ay kusoo beegmeesaa iyada oo bishii hore degmadaasi laga faramaroojiyay Al shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor