Madaxweyne Xasan Sheekh oo Furi doona Kal fadhigga 7 Aad Ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweyne Xasan SheekhMaxamuud ayaa Saakay lagu wadaa inuu furo Kal fadhigga 7 Aad Ee kulamada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta furmaya.

Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa aad loo adkeeyay waxana la dhigay Ciidamo dheeri ah si loo adkeeyay Amniga Xaruntasi inta uu ku sugan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ugu yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iney soo xaadiran kulanka Maanta ee furitaanka Kal fadhigga 7 aad oo uu ka qeybgali Xasan Sheekh Maxamuud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor