Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamoud oo ka qeyb geli doona Munaasabad lagu caleemo saarayo dhigiisa dalka Sudan.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu berrito ka qeyb galo Munaasabadda dib loogu caleemo saarayo saarayo Madaxweynaha dalka Sudan, Jeneral Omar Hassan Ahmed Albashiir, oo dhawaaan ku guuleystay Doorashaddii Madaxtinimadda ee ka dhacday dalkiisa.

Munaasabadda Caleema-saarka oo ay ka soo qeyb geli doonaan Hoggaamiyayaal Carbeed iyo kuwa Afrikaan ayaa waxay berrito ka dhici doontaa magaalladda Ondaramaan oo u dhow caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

Madaxweynayaasha kale ee lagu casuumay Caleemo-saarka ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti, Masar, Kenya, Zimbabwe, Chad iyo Kenya.

Waxaa kaloo lagu ccasuumay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Sudan, Jeneral Albashiir oo xilkaasi hayey tan iyo sannadkii 1989-kii, oo uu xilka ku qabsaday Afgembi Milliteri.

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor