Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgeli doona Shir-madaxeedka Ururka IGAD.

Madaxweynaha iyo Hoggaamiyayaasha dalalka ku jira Urur-gobaleedka IGAD ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Shir Nabadeedka Gobalka  oo bishan 19-da ka dhici doona magaalladda Jubba,  kaasi oo lagu taabagelinayo Heshiiskii Nabadda ee ay Dowladda iyo Mucaaradka Koonfurta Suudaan kala saxiixdeen bishii August ee la soo dhaafay.

Xoghayaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda dalka Koonfurta Suudaan, Ateny Wek oo la hadlay Idaacadda Radio Tamasuj ayaa sheegay inay Kulankaasi ka soo qeyb geli doonaan Madaxweynayaasha dalalka Somalia, Djibouti, Sudan, Uganda, Kenya iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Koonfurta Sudan, ahna Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Koonfurta Suudaan, Riyaak Mashar ayaa la sheegay inuu ka mid noqonayo Wafdiga uu horkacayo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn, inkastoo uu Afhayeenkiisa, James Gatdet ka gaabsaday inuu xaqiijiyo qorshaha safarka Riyaak Mashar ee ku aadan Shirka IGAD.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta ee dalka Sudan, Ahmed Bilal oo Wareysi siiyey Radio Tamazuj ayaa sheegay inuu Madaxweyne Omar Hassan Albashiir ka soo qeyb galayo  Shirka IGAD, waxayna booqashadiisa ku soo beegantay iyadoo Madaxda IGAD u dabaaldegayaan dhamaadka Dagaalkii ka socday dalka Koonfurta Sudan.

© Radio Dalsan
IGAD FLAGS

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor