Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgelaya caleemo-saarka dhigiisa dalka Nigeria

Madaxweynaha DFS, Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka ambabaxay magaalladda Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo Caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalkaasi, Jeneral Mohamadu Buhaari.

Hoggaamiyayaal ka kala socda dalalka Caalamka ayaa iyagana la filayaa inay ka qeyb galeen Munaasabadda uu xilka kula wareegayo Madaxweynaha cusub ee Nigeria, Jeneral Mohamed Buhaari, taasi oo lagu wado inay berrito ka dhacdo magaalladda Abuuja.

Madaxweynaha cusub ee Nigeria, waxa uu xilka kala wareegi doonaa Goodluck Jonathan oo looga guuleystay doorashadii bishii hore ka dhacday dalka Nigeria.

Madaxweyne Mohamadu Buhaari kuma cusba Xilka Madaxtinimadda, wuxuuna xilkaasi afgembi ku qabsaday bishii  December 31-dii ee sannadkii 1983-dii, wuxuuna xilkaasi ka degay  bishii August 27-dii ee sannadkii 1985.

© Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor