Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadley amniga doorashada 2016

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqey inay ka wada shaqeeyaan nabadgelyada guud ee dalka, gaar ahaan waqtigan xasaasiga ah ee doorashada.

“Cadowga naf la caariga ah waxaa uu xaqiiqsadey in Soomaaliya ay hore u dhaqaaqdey, shacabkuna ay cagta saareen waddadii nabadda, horumarka iyo barwaaqada. Hadaba cadowga isagoo ka xun guulahaasi la gaarey waxaa isku dayi doonaa inuu carqaladeeyo doorashada iyo wax walba oo dan u ah ummadda. Sidaa darteed waa in loo midoobaa sidii looga hortegi lahaa’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqey laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo AMISOM inay si buuxda u dardar-geliyaan fulinta hawlahii lagu dhammeystiri lahaa guud ahaan sugidda nabadgelyada dalka, gaar ahaan amniga codbixiyeyaasha, musharixiinta, maamuleyaasha iyo kormeerayaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha doorashooyinka.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada waxaa ka go’an inay cadowga ka suuliyaan qeyb kasta oo dalka ka mid ah, iyadoo ay taasi jirto,ayaa haddana waxaa la qaadi doonaa tallaabooyin gaar ah oo nabadda lagu sugayo waqtiga doorashada. Ciidammada Soomaaliya oo gacan ka helaya saaxibada aan leenahay ayaana hawshaasi adag u diyaar ah inay qabtaan’’.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqey qeybaha bulshada rayidka, warfaafinta, culumada iyo aqoonyahanada inay shacabka iyo dowladda kala qeyb qaataan sidii loo sugi lahaa amniga goobaha doorashooyinka.

—————-DHAMMAAD——————
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media